">

Google   

 

 

 

 

Dagaal ayaa saakay ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

       Hobyonet. Com   Talaado, July, 01, 2008

Dagaalaasi ayaa ku qabsaday ciidamada Itoobiya degmada Matabaan kaddib markii ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Guriceel, halkaasi oo mudooyinkii ugudambeeyay uu ka socday dagaalo.

Dagaalkaasi ayaa waxuu sababay in ay xiranto wadada loo isticmaalo gobolada dhexe ee marta degmadda Matabaan, weli si rasmi ah looma xaqiijin qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee halkaasi ka dhacay.

3 gaari ayaa la sheegay in ay ka gubteen Ciiamada Itoobiya dabadeedna ay ka jiiteen goobtaasi. sidoo kale waxaa la xaqiijiyay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciiamada Itoobiyaanka.

C/raxiin Ciise Cadow,  Afhayeenka  Maxkamadaha ayaa sheegay in dhankooda ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiaan ciidamada Itoobiya, waxuuna intaasi raaciyay in ay jirto dhimasho soo gaartay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

La soco Wararkeena Dambe

 Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com