Google   

 

 

 

 

jaaliyadda gal mudug ee ku nool wadanka norway ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyey dr. maxamed kulane galeyr (dr. kulan) oo ku xanuunsanaya magaalada muqdisho, iyagoo u soo mariyey shirkadda xawaaladda hodan global online.

      Hobyonet. Com   Talaado, July, 01, 2008

Qaar ka tirsan jaaliyadda Gal Mudug eek u dhaqan dalka Norway ayaa maanta kaalmo lacageed ugu deeqay Dr. Maxamed Kulane Galeyr (Dr. Kulan) oo ku xanuunsan magaalada muqdisho, kaalmadoos oo ay u soo mariyeen shirkadda xawaaladda Hodan Global Online, waxaana lagu guddoonsiiyey xafiiska Shirkadda ay ku leedahay xaafadda  Tareybiyaano ee magaalada muqdisho.

 Deeqdan lacageed oo ay iska soo aruuriyeen Jaaliyadda Norway ayaa ah middii ugu horeysay ee la soo gaarsiyey Dr. Kulan tan iyo markii uu xanuunsaday shan sano ka hor taasoo Kullan ku kaliftay inuu gudan waayo shqadii baaxada laheyd oo uu u hayey shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Kulan ayaa hadal kooban oo mahad celin iyo duco isugu jira u jeediyey walaaha soo gaarsiiyey kaalmadaan isagoo oo ay ka muuqato jirada heysa, wuxuuna ammaan iyo bogaadin u diray dalkii isku xilqaamay in ay deeqdaan u soo dhiibaan, wuxuu Ilaahey uga baryey in uu badal kheyr qabo siiyo isagoo xusay in uusan ilaawi doonin gacanta walaaltinimo ee loo fidiyey xilli uu sheegay in aad ugu baahnaa, sidoo kale wuxuu jaaliyadda Gal mudug ee ku nool qurbaha ka codsaday in ay ku daysadaan jaaliyada Norway tilaabadii ay qaadeen ayna soo gaarsiiyaan wixii ay awoodaan isaga iyo dadka lamidka ah.

Dr. Maxamed Kulane Galeyr wuxuu ku dhashay magaalada Mustaxiil isagoo aad u yar ayaa la keenay xaafadda Ansalooti ee degmada Waaberi ee magaalada muqdisho, halkaas oo uu ka galay dugsiga Qur’aanka, dabadeedna waxaa lagu xareeyey Kuleejo (Oorfane), wuxuuna waxbarashiida dugsiga ku qaatay (Dugsiga Allaahi), Dr. Kulan ayaa waxbarashadiisa dhameeyey  sanadku markuu ahaa 1966-dii, intaas kadib wuxuu imtixaan u galay koorso dibadeed isagoo ku guuleystay in uu ka mid noqday arday loo qaaday dalka Raashiya sanadkii 1967-dii, halkaas oo uu muddo 7-sano ah ku maqnaay, wuxuuna soo bartay cilmiga caafimaadka qeybta daaweynta  guud iyo khaliinka ( Operation).

muddo kadib ayuu Digtoorku koorso kale u aaday dalka Talyaaniga 1976-dii wuxuuna ka soo laabtay labo sano kadib, Dr. Kullan ayaa ka soo shaqeeyey gobolada Banaadir, Bari iyo Nugaal, wuxuuna goobahasi ku muteystay Ammaan uu ka helay bulshadii uu u shaqeenayey iyo howl wadeenadii la shaqeenayey.

Waxaa si aad ah Dr. Kullan loogu xasuustaa xilligii uu ka shaqeenayey isbitaabla Madiina, oo uu ka xirgeliyey in la balaariyo dhismaha Isbitaalka isagoo la gaashanaya Gaashaanle Sare Dr. Yaasiin Cali Xaashi oo ahaa agaasimihii Isbitaalka Madiina.

 

 Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com