Xaflad ballaaran oo loogu dabaaldegay munaasabada 1-da Luulyo ayaa xalay lagu qabtay xarunta Idaacada Codka Mudug ee magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug.
Hobyonet. Com Talaado, July, 01, 2008
Xafladaasi oo bilaabatay abaare 6.00 Maqribnimo ee xalay ayaa waxa aka soo qeyb galay mas'uuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug State, suxufiiynta Website-yada iyo Idacadaha, Ururada Bulshadda, Haweenka iyo qaar badan o ka mid ah Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo.
Xafladaasi ayaa waxaa qadka telephone-ka ugu hambalyeeyay dadweynaha munaasabada 1 Luulyo M/weynaha Galmudug Max'ed Warsame Cali (Kiimiko) oo safar shaqo ugu maqan dalka Mareykanka . waxaa kaloo qadka Telefoonka hambalyo ku soo gaarsiiyay goobta xafladda qaar ka mid ah Jaaliyadaha Dibedda gaar ahaan Canada iyo dalalka Yurub.
Xafladaasi waxaa lagu soo bandhigay marxalidihii kala duwanaa ee laga soo maray halganka la isaga tuuray gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska, iyo dadaalkii uu sameeyay Ururkii SYL.
C/samad, Axmad Baasto, C/laahi Ciro
Goobta Munaasabada oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka mid ahaa gudigii qabanqaada ee loo xilsaaray Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Col. C/laahi Cirro iyo Afhayeenka Maamulka Galmudug Axmad Baasto.
K/simaha M/weynaha Galmudug C/samad Nuur Guuleed oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay an ay aad ugu xun yihiin munaasabada oo ku soo beegantay xilli dagaalo iyo abaaro ay ka taagan yihiin gobolada dalka Soomaaliya, waxuuna tilmaamay doorka maalinta xornimada Soomaaliyed iyo munaasabada 1 Luulyo.
k/simaha M/weynaha oo calnka saaray 12.00 habeenimo ee xalay oo ku beegneed 1 Luulyo.
Xafladaasi waxaa ka muuqday haween xiran calanka Soomaaliyeed oo ay ka muuqatay qiiro wadaniyadeed iyo dhalinayo labisan Koofiyado calnka uu ku xardhan yahay.
C/risaaq yaasiin
Hobyonet,
Gaalkacyo, Galmudug