">

Google   

 

 

 

 

Hey’adda G.S.A  oo la aas aasay 1992 ayaa ka warbixisay waxqabadka hey’adaasi  xilli ay wado howlo ceel qodis iyo Suuq weyn oo ganacsi , lagana dhisay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

       Hobyonet. Com   Axad, June, 08, 2008

Hey’adda oo mudadii ay jirtay howlo samafal ka soo qabatay goboladda Bay, Bakool, SH/Hoose, Banaadir, Galgaduud iyo Mudug, ayaa kalhore waxey dayactirtay 3 ceel oo ku yaal Deegaanada Wargalo, Ceel guula iyo Xingod.

5 bisha May, 2008. hey’addu waxey soo gebogebeesay  qoditaanka Ceelka Dowgaab, oo howshiisu socotay  muddo bil ah. Ceelkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 175 M ayaa laga helay biyo macaan. Ceelkaasi waxaa ku baxay qarash loogu talagalay 2 Barood, sbabtoo ah dhulka laga qoday ayaa ah dhul dhagax ah.

 

Hey’adda G.S.A waxey geesay quburo ajnabi ah deegaanka Ceelguula, si ay uga qodo ceel deegaankaasi , iyadoo tallaabadaasina ku guuleysatay.

Hey’adu waxaa kaloo ay qorsheeneysaa in dhawaan ceelal ka qodo deegaanada Ceeldibir iyo Goolalo. GSA waxa ay ka heshay maalgelinta ceelasha deegaanada Ceelguula iyo Goolalo Heyadda UNOCHA. Waxaa kaloo taageerada xaga qarashka ceelasha Dowgaab iyo Ceel dibir u fuidisay YME, Norsom iyo  dowladda Norway (Norweghian Government).

Suuqa casri ah

Hey’adda GSA waxaa ay hirgelisay mashruuc Suuq casri ah oo laga dhisay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug State. Suuqaasi oo ku fadhiya dhul cabirkiisu yahay 60X60.

Suuqaasi ayaa ka kooban qeybaha dharka, Qudrada, Kawaanka Hilibka, Bakhaaro.  Suuqaasi waxuu noqday suuqa keli ah ee ka jira Degmadda Wadajir marka laga reebo suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo.  Waxaana suuqaasi uu lee yahay xafiisyo iyo Musqulo gaar ah.

Mashruucaan oo dadka deegaanka si wanaagsan u soo dhaweeyeen waxaa fuliyay GSA, waxaana xiriiriyay YME iyo NorSom, iyadoo maalgelisay dowladda Norway (Norwegian Government)  

Inta u dhexeysa Muqdisho iyo afgooye

Hay’adu waxey ka qoday ceel inta u dhexyso Muqdisho iyo Afgooye, oo u dhow Siinka dheer,  halkaasi oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ka soo barakacay dagaalada ka socda caasimada Muqdisho. Hey’adu waxey gacan ka geesatay biyo qeybin laga sameeyay deegaanadaasi iyo iyadoo qeybisay biyo nadiif ah.

Tababarada 

Sanadihii 2004/2005 Hey’adda GSA waxa ay shaqaalaheeda tababar ugu qaaday Tanzania, kaasoo ku saasanaa dhaqashada shinida. waxaana tababar ay siiyeen 300 qoys, kuwaasi oo ku faa’iidayay xanaaneynta shinida iyo wax soo saarka malabka laga helo shinida.

Dhinaca caafimaadka, hey’addu waxey kaloo tababar siisay 36 qof  oo ka kala socday deegaanada  Xingod, Ceeldibir , Ceelguula, Docol, Wargalo iyo Gaalkacyo, kaasoo lagu qabtay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo, waxaa labaray dadkii ka qaybgalay tobobarkaas ( Environment & Water Sanitation), ilaalinta caafimaadka deegaanka iyo nadaafadda biyaha oo nalashu ku tiirsantahay.

 

C/risaaq yaasiin

Hobyonet,

Gaalkacyo, Galmudug

yaasiinyare@gmail.com