">

Google   

 

 

 

 

Wasaarada caafikmaadka Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa xafiiskii ugu horayay ka furatay Xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo.

       Hobyonet. Com   Jimco, June, 13, 2008

 

Xafiiska wasaarada caafimaadka Galmudug State iyo Bar caafimaad oo ay wasaaradu hirgalisay ayaa shalay furitaankii xafiiskaas  xariga looga Jaray.

 

Wasaaradda caafimaadka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ka mid ah wasaaradaha fara ku tiriska ah ee hoosha shacaka Galmudug ay u heeso, dadaal  dheerad ah ugashay sidii ay ugamiradhalin laheed ayaa shalay xafiiska ku soo bandhigtay waqabadka wasaaradda iyo hashiis yadii caafimaad oo ay lagash ay wasaaraddu hey’aadaha caafimaadaka sida hey’adda caafimaadka aduunka ee marka magceeda la soo gaabiyo loo yaqaano WHO oo daawo dhoor tan ah soo gaarsiindoonta Wasaarada caafimaadka sida uu sheegay agaasimaha guud ee Wasaaradaas Dr. Busuri.

 

 

Agasimmaha Caafimaadka "Busuri"

Agaasimaha wasaarada Caafimaadka ayaa uguhorayntii halkaas ka hadalay asaga oo mahad celin u soo jeediyay madaxdii Galmudug ee Munaasabadaas furitaanka xafiiska iyo barta  caafimaad ka soo qaybgalay oo uuguhoreeyo ku simaha Madaxwaynaha Md. C/samad Nuur Guuleed, Wasiirku xigeenka wasaarada Caafimaadka Md, Bashiir, Gudoomiyaha Gobalka Mudug xasan Faarax Barre, Gudoomiyaha Gobalka Hobyo Maxamed Axmed Caalin iyo Dhamaan Mas’uuliyiin kale oo farabadan oo Munaasabadaas ka soo qaybgashay.

    

Gud. Gobolka Mudug                   Gud. Gobolka Hobyo

Ugudanbeentii, dhamaan mas’uuliyiintii ka qaybgashay munaasabadaas waxay ka hadleen ahmiyadda wasaarada Caafimaadka iyo in bulshadu ay ka faa’idaysato waxqabadka Wasaarada iyo in la’ ilaaliyo Caafimaadka Guud ahaa.

 

Waxaa Gabagabadii Munaasabdaas Xarigga Ka Jaray Wasaarda Iyo Barta Caafimaad Kusimaha Madaxwaynaha C/samad Nuur Guuleed.

Gebogebada ka hor waxaa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo Max'ed Cabdi Axmad

 C/risaaq Yaasiin Maxamed.

Hobyonet, Gaalkacyo, Galmudug

yaasiinyare@gmail.com