Waxaa si rasmi ah loo furay xafiisyada Dowladda Hoose ee GalMudug State, iyadoo dhawaana la magacaabay Agaasimayaasha Maamulka Lacagta iyo canshuuraha.
Hobyonet. Com Isniin, June, 16, 2008
Munaasabd lagu furayay xarunta Maamulka dowladda Hoose ee Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana si rasmi ah xariga uga jaray Kusimaha M/weynaha Galmudug State C/samad Nuur Guuleed .
Munaasabadaasi waxaa kaloo ka qeyb galay Gudoomiyaha Gaobolka Mudug Xasan Faarax Bare iyo Gudoomiyaha Gobolka Hobyo Col. Max’ed Axmad Caalin, iyo Duqa Magaalada Gaalkacyo Saciid Salaad Cilmi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug
Mas’uuliiinta ka hadlay Xafladaasi furitaanka aya asheegay in xafiisyada dowladda hoose in ay shaqeeyaan ay tahay talaabo loo baahan isla markaana ay kaalin firfircoon ka qaadan karto adkeynta Maamulka dowladnimo.
C/risaaq Yaasiin
Hobyonet
Galkacyo, Galmudug