">

Google   

 

 

 

 

Shir looga hadlaayay Arr. Amniga, Bulshadda iyo Nadaafada ayaa maanta ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee xafiiska duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug State.

       Hobyonet. Com   Axad, June, 22, 2008

 

Shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen Agaasimaha Wasaarada Arr. Gudaha, qaar ka tirsan Maamulka dowladda Hoose, Saraakiisha Ciidanka , Ururada Haweenka , Bulshadda rayidka iyo Saxaafada xorta ah ee magaalada Gaalkacyo.

Kulankaasi ayaa waxa asi weyn looga hadlay adkeynta amniga magaalada Gaalkacyo, soo celinta bilicda iyo nadaafada, aruurinta canshuuraha iyo Shatiyada meheradaha waa weyn iyo kuwa yar yar iyo dhamaan hantida ma guurtada ah.

    

Agaasimaha W.Arr. Gudaha      Duqa Magaalada Gaalkacyo

Mas'uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo dowladda Hoose oo kulankaasi ka hadlay aya sheegay sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado N/gelyada iyo Nadaafada , si bilicda magaalada ay u soo laabato isla markaana horumarka la tiigsanayo la gaaro.

Mas'uuiyiinta kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Col. C/laahi Ciro, Duqa Magaalada Gaalkacyo Saciid Salaad Cilmi, Taliyaha Ciidanka Police-ka Galmudug Max'ed Nuur, Xogahayaha dowladda Hoose Max'ed Axmad guuleed (Xayle), Agaasimaha Waaxda Dhulka Ing Cali Macalin Xuseen, xisaabiyaha dowladda Hoose Axmad Khaliif Xasan iyo mas'uuliyiin ka tirsan ururada Bulshada rayidka ah iyo Haweenka.

 

 Maslah Osman  

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com