Mas'uuliyiinta Maamulka Galmudug State, ayaa cambaareyn u soo jeediyay Maamulka dhanka Waqooyi ee Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf oo iska kaashanaya sidii looga hortagi lahaa Horumarka uu sameeyay maamulka Galmudug
Hobyonet. Com Isniin, June, 23, 2008
![]()
G/kxigeenka Gobolka Mudug Aweys Cali Saciid iyo Afhayeenka dowlad goboleedka Galmudug Axmad Baasto ayaa Warqadii Cadde muuse u qoray C/laahi yuusuf ku tilmaamay in ay cadeneyso fashil ku yimid Puntland.
Aweys CaliSaciid iyo Axmad Baasto waxa ay la yaab ka muujiyeen sida uu yahay hamiga mas'uuliyiintaasina waxeyna u soo jeediyeen dadka ku dhaqanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo in ay ka hortagaan foolxumada uu xambaarsan yahay Cadde Muuse.
''Waa dad aan aqoon u laheyn maamul wadaaga iy derisnimada, waxeyna caadeysteen in horumar umadi sameysatay diidaan isla markaana huriyaan colaado''.siadaasi waxaa yiriAweys Calisaciid iyo Axmad Baasto.
Gudoomiye K/xigeenka Gobolka iyo Afhayeenka Galmudug, waxaa ay intaasi ku dareen in laga fogaado musuq maasuqa burburiyay Dowladii Siyaad Barre, taasoo lagula dagaalamay xaqiraad hanti, dhac iyo boob hantida shacabka iy qabyaalad.
Hadaladaan ayaa soo baxay kaddib markii Cadde Muuse uu waraaq uu u gudbiyay C/laahi yuusuf uu kaga codsaday sidii loo hor itaagi lahaa horumarka ay ku talaabasadeen Maamulka Galmudug.
C/risaaq Yaasiin
Hobyonet, Gaalkacyo
Galmudug State