">

Google   

 

 

 

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Prof. Maxamad Warsame Kiimiko oo booqasho ku tagay Portland, Maine ee cariga dalka Mareekanka.

       Hobyonet. Com   Talaado, June, 24, 2008

 

 

 

Waxaa booqasho rasmi ah ku yimid  magaalada Portland ee Maine  wafdi oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Dr. Maxamed Warsame Kiimiko. Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la yeeshay odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano, iyo gabdhaha ka kala yimid gobbolada Mareykanka sida Massachutes, Vermont and gobolka Maine.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer u jeediyey bulshaweynta Galmudug ee ee ka soo qeybgashay kulankaaas. Madaxweynaha waxuu khudbadiiisa kaga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha lagu  hormarinayo mashaariic lafdhabar u ah horumarinta Galmudug gaar ahaan, amniga iyo waxbarasha,. Wuxuuna tusaaleeyay in taakuleynta dhaqaale ee lagu kaalmeeyo horumarinta Galmudug ay wax weyn ka tareyso mashaareiicda ay ka midka yihiin  amniga iyo waxbarashada.

Wuxuu madaxweynaha si aad ah ugu mahad celiyayy bulashaweynta shirkaasi ka soo qeyb gashay ee sida xamaasadda leh dareenkooda  wadaninimo u muujiyeen dhismaha  dawlad gobaleedka Galmudug.

Waxaa madaxweynaha hoteelka uu joogay ku qaabilay wafdi ballaaran, ee ka yimid dalka Kanada  waxaana wafdigaasi  hogaaminayayey Mudane Cismaan Axmed. Madaxweyne Kiimiko  ku tilmaamay dadka reer Canada inay yihiin mawaadiniinta  sida joogtada ah u taageero dowaladda Galmudug, waxayna  muujiyaan karti dheeraad ee hiil iyo hooba leh.  iyagoo marnaba ka bakhiileynin tageerada ay ka geystaan hor-umarinta Galmudug.

 

Wuxuu madaxweynaha Kiimiko isla galabnimadii la kulamy Jaaliyada gabdhaha  ee hogamineysay Marwo Xaawo Xirsi. Marwo Xaawo Xirsi ayaa madaxweynaha hortiisa ku  ballanqaaday iyadoo ku hadleyso jaaliyada gabdha ee New England in ay si joogta ah u  ka geysato horumarka Galmudug. Madaxweynaha ayaa isagana ku dhiirigeliyey gabdhaha inay sii wadaan ka qeybqaadashada waxtarka  ee lagu hormarinaya mashaariicda Galmudug.

 

Cumar Ahmad

 hobyonet@gmail.com