">

Google   

 

 

 

 

Waxaa dhawaan lagu gudoonsiiyay shahaado Sharaf shaqaalaha Hey'adda MSF Holland ee taageera Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Galmudug.

       Hobyonet. Com   Khamiis, June, 26, 2008

Kusimaha M/weynaha Galmudug State C/samad nuur Guuleed ayaa gudoonsiiyay Shahaadoyin dhaqaatiirta Hey'adda MSF Holland, kuwaasi oo taageera hoiwlaha caafimaadka Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo.

Hey'adda dhaqaatiirta aan xududa laheyn MSF Holland ayaa Madaxddii Dowlada Gobaleedka Galmudug ee kulanka balaaran wadaqaateen ku amaanay howlaha caafimaad ay u haayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hey'adda MSF-Holland, ayaa muddo caawinaysay ISbitaalka Wayn ee Koofurta Magaallad Gaalkacyo halkaas oo ay ka socdaan Barnaamijyo lagu daaweeyo dadka ay la soo gudboonaato caafimaad darada waana isbitaal looga yimaado dhamaan goballada dalka soomaaliya ilaa kilinka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

MSF-Holland waxay shaqaalaheeda cadaanka ah kala baxday guud ahaan dalka soomaaliya kadib dhacdadii foosha xumeed ee lagu lakacay shaqaalaheeda Magaallada Kismaayo taas oo sababtay in guud ahaan dhaqdhaqaaqa Shaqaallaha Cadaanka ah layareeyo si looga hortago weerarada lagu beegsado hey'addaha Samafalka.

Ugudanbayntii, waxaa ay Mas'uuliyintii kulankaas ka qaybgalay ay abaalmarin shahaaddo gudoonsiiyay hey'adda MSF-Holland oo kormeer kutimid  Isbitaalka, Sidoo kale waxay Mas'uuliyiinta Galmudug oo Uguhoreeyo Kusimaha Madaxwaynaha ay Umahad Caliyeen shaqaalaha Soomaaliada ah ee Sii wada hoosha isbitaalka.

C/risaaq Yasin  

 Hobyonet, Gaalkacyo, Galmudug State.

yaasiinyare1@hotmail.com