Google   

 

 

 

 

Xaflad loogu dabaaldegayo munaasabada 26 June ayaa lagu qabtay Madaxtooyada Galmudug State , iyadoo habeenkii xalay ahaana ay mas'uulyiinta maamulka u jeediyeen qudbado shacabka Magaalada Gaalkacyo.

       Hobyonet. Com   Khamiis, June, 26, 2008

Munaasabadaasi waxaa ka soo qeyb galay mas'uuliyiinta Galmudug State iyo Ururada Bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Munaasabada 26 June oo ah maalin ku weyn guud ahaan ummmadda Soomaaliyeed ayaa ah maalintii ay xoriyada qaateen Gobolada Waqooyi ee dalka Soomalaiya sanadkii 1960-kii.

Munaasabada 26 June ayaa ku soo beegan tay xilli dalka Soomaaliya ay ka jiraan Colaado iyo dagaal daba dheeraaday, kuwaasi oo sababay barakaca shacabka Soomaaliyeed .  

C/risaaq Yaasiin

 Hobyonet, Galmudug

 yaasiinyare1@hotmail.com