Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Cusub ee 2008-2009 Islamarkaana Lagu gabagabeenayay Sanad Dugsiyeedkii 2007-2008 ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga Alshacab ee Magaallada Gaalkacyo Ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Hobyonet. Com Sabti, June, 28, 2008
Xaflada Furitaan Sanad Dugsiyeedka Cusub ee Dugsiga Alshacab ayaa waxaa ka soo qaybgalay, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug, Maamulka, Macalimiinta, Ardayda, Waalidiinta Iyo Marti sharaf Kale oo farabadan.
Uguhorayntii, waxaa Munaasabadaas khudbad ka soo jeediyay Maamulaha Cusub ee Dugsiga Alshacab Max’uud Aadan cabdulle, waxuuna yiri, “ Waxaan u mahad celinayaa Marti sharafta ka soo qaybgashay xafladaan oo ay ka Midi yihiin Mas’uuliyiinta Galmudug State een Ujeedooyinka Dugsiga loo aas aasay waxa ay ahayd in Jahliga lala dagaalamo, Aqoonta bulshada kunool Gobalkaanana kor loo qaado si loo cirib tiro Jahliga”.
Waxaa kale uu Maamuluhu U mahad celiyay Macalimiinta Dugsiga Alshacab ee Dadaalka dheer soo sameeyay Mudadii sanaka ahayd ee Sanad Dusgsiyeedkii tagay ayaga oo shacabka u shaqaynayay 7 Maalin ee Isbuucu ka koobanyahay oo ay ku jiraan Khamiista iyo Jimacaha xiliyada Subax, Galab iyo Habeen.
Intii ay socotay Munaasabadaas waxa ay ardayda Dugsigu soo bandhigeen Barnamijyo xiiso badnaa oo ay, Midda Maadiga ah iyo Muri aad u xikamd badnayd, waxay kaloo ardaydu soo bandhigeen Riwaayad qiimo badan oo ka hadlaysay Nolosha Miyiga Iyo Midda Magaallada iyo Qofka in uu wax barto faa’idadda ay laydahay.
Mas’uuliyiintii Galmudug State ee Munaasabadaas ka hadashay waxaa ka Mid ahaa Kusimaha G/baarlamaanka Axmed Gayfane, Wasiirka Howlaha Guud, Agaasimha Wasaaraddda Arimaha Gudaha Cabdullahi Cirro, Afhayeenka Galmudug State Axmed Maxamed Xasan Baasto, dhamaan waxay u hanbalyo u soo Jeediyeen Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Alshacab, iyagoo sheegay in uu jiro Isbedal Balaaran oo ku yimid Dhanka Waxbarshada Maamulka Galmudug State.
Ugudanbeyntii, Waxaa la siiyay Abaalmarino Ardaydii Kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad ka galay fasaladoodii waxaana la siiyay hadyado ay ku farxayn Madaama ay dadaal dheer sameeyee, gabagabadii waxaa kalmado kooban ku soo khatimay xafladda Sh.C/Karin Macalin C/rixman oo u mahad celiyay Martidii ka soo qaybgashay Xafladaas.
Waxuuna sheegay in dhamaan bulshadda Galmudug ay ka wada shaqeeyaan Amaanka iyo Nabadgalyadda waxuuna ugubaaqay shacabka Galmudug State in ay u wada istaagaan ka shaqaynta Horumarka Gobalka si guulaha la tiigsanayo loo garo
Riwyaada lagu soo bandhigay xaflada
C/risaaq Yaasiin
Hobyonet, Gaalkacyo, Galmudug State