Google   

 

 

 

 

Golaha dhexe ee Ururka Naafada Galmudug ayaa doortay gudoomiyaha  cusub ee ururkaasi, iyadoo xafladaasina ay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug State.

       Hobyonet. Com   Axad, June, 28, 2008

Golaha dhexe ee Ururka naafada Galmudug ayaa u doortay gudoomiyaha cusub ee Ururkaasi Mahdi Cismaan Warsame. Iyadoo doorashadaasina ay isku soo sharxeen labo musharax.

Xaflada doorashadaasi oo ka dhacday Dugsiga sare ee Mudug ee magaalada Gaalkacyo waxaa ka soo qeyb galay dhamaan xubnaha ururka naafada, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Ururada Bulshadda , Siyaasiyiin iyo waxgarad kale.

Doorashadaasi ayaa waxaa ku soo baxay Mahdi Cismaan Warsame , waxaana golaha oo tiradiisu gaareysay 14 xubnood ay ku doorteen 12 cod gudoomiyaha cusub, halka musharixii kale uu helay 2 cod oo keli ah.

Ururka Naafada waxaa kaloo ay doorteen Gudoomiyaha golaha dhexe C/shakuur Max'ud Cilmi iyo xoghayaha Ururka Axmad Cadale Geedi.

Xafladaasi waxaa ka hadlay Wasiir K/xigeenka Arrimaha Gudaha Salaad Max’ed Guuleed, Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Busiri Xasan Nuur, Xoghayaha Dowladda Hoose Max’ud Axmad Xeyle.

Waxaa kaloo xafladaasi ka hadlay gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo dib u heshiisiinta Cali Xisbi

Ugudambeyntii ururka naafada ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo Jaaliyadaha dibedda in taageero iyo aqoonsi ay siiyaan ururka naafada oo doorashadiisu ku dhacday six or ah.

  C/risaaq Yaasiin 

    Hobyonet

 hobyonet@gmail.com