Dagaalkii shalay ka dhacay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sii kordhay qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Hobyonet. Com Arbaco, July, 02, 2008
Uguyaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay , waxaana ku dhaawacmay 19 qof oo kale, markii dagaal uu ka qarxay xaafado ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Waabari iyo madaafiic loo adeegsaday dagaalkaasi.
Madaafciidii lo adeegsaday dagaalkii ka dhacay Wadada Maka Almukarama ayaa waxyeelo daran gaarsiisay dadweyne degan xaafado ka baxsan goobta dagaalku ka dhacay.
Madfac habow ah ayaa ku dilay xaafada Buulo xuubey 3 qof, dadkkaasi geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay. , waxaana ku dhaawacmay isla xaafadaasi 4 kale.
Madaafcii badan aya aku habsaday xaafado ka mid ah Degmooyinka Hodan, Waabari Xamar jajab iyo Wadajir.
Dhinaca kale, Xaalada goobihii shalay dagaalku ka dhacay ayaa ah kuwo degan Saakay, iyadoo dhaqdhaqaaqa dadweynuhu uu ku soo laabtay si caadi ah.
Maslah Osman
Hobyonet