Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu caleemo saarayay suldaanka beesha Shiikhaal Looboge ayaa manta ka dhacday hoteelka Shaamoow ee magaalafda Muqdisho.
Hobyonet. Muqdisho Khamiis, May, 08, 2008
Xafladan oo ay ka soo qeybgaleen culumaa’udiin, waxgarad , aqoonyahano iyo qaar ka rirsan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa lagu caleemo saaray suldaan cusub oo ay yeelanayaan beesha Shiikhaal Loobogay kaasoo loo doortay Shiikh Aadan Macalim Sugow.
Xaflada oo ay ka soo qeybgaleen marti sharaf gaaraysa 500 qof ayaa ugu horeyntii waxaa aayado quraan ah ku furay sheikh Axmed Cali isagoo ku dheeraaday alle ka cabsiga iyo taqwada eebe , waxaana sidoo kale goobta lagu soo dhaweeyay Shiikh Maxmuud Aw Cabdule Cariif oo ku hadlaayay magic culumada Soomaaliyeed waxuuna suldaanka cusub u rajeeyay in ilaah xilka loo doortay uu la garab galo, isagoo beesha Shiikhaalna ugu hanbalyeey doorashada ay doorteen nin caalim ah oo diinta yaqaana.
Waxaa sidoo kale hadaal aad u qiimo badan halkaasi ka jeediyay Nabadoonka beesha Shiikhhaaleed Xaaji Maxamed Cali Kalaay oo cadeeyay in manta laga bilaabo beesha Shiikhaal Loobogay ay leedahay suldaan maadama uu suldaankii beeshaasi uu geeriyooday sadax sano ka hor waxuuna Soomaalida ugu baaqay inay ugu duceeyaan suldaankan cusub ayna ayidaan taageerana siiyaan .
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu wareejiyay salaadiinta beelaha hawiye ,Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle oo dhamaantood qiray in beeshan ay tahay beel ku abtirsata xaga diinta islaamka iyo dhaqan wanaag ,iyagoo cadeeyay inay taageersan yihiin suldanka cusub oo ah nin dhalinyaro ah si aad ahna looga yaqaano dalka iyo dibadiisa ,waxyna duubabkaasi dhamaantood taareego iyo ayidaad u jeediyeen suldaan Shiikh Aadan Macalim Sugow waxayna ilaah uga baryeen inuu xilka culus e loo dhiibay uu u fududeeyo.
Gabagabadii xaflada ayaa waxaa goobta soo dhex istaagay suldaanka cusub Shiikh Aadan Macalim isagoo dadka ka soo qeybgalay xaflada ku booriyay inay wada shaqeyn la yeeshaan waxuuna balan qaaday inuu si siman ugu shaqeyn doono beesha dooratay iyo ummada kale ee Soomaaliyeed waxuuna hadalkiisii ku soo af jaray wabilaahi towfiiq wasaalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
Maslah Osman
Hobyonet
Hobyonet@gmail.com
Kulan looga Arinsanay Xaalada Abaaraha Ka jirta Deegaano farabadan oo katirsan Galmudug Sate, sida Gobalka Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee ku leedahay Magaallada Gaalkacyo.
Hobyonet. Muqdisho Khamiis, April, 03, 2008
Kulankaas oo ay warbixin dheer ka soo jeediyeen Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Galmudug Sate, waxa ay ka warbixiyeen xaalada nolaleed ay ku suganyihiin dad iyo duunyaba shacabka ay abaartu ku habsatay deeganada ay kormeerka ku soo mareen.
Gudiga Gurmadka abaaraha waxay warbixintii ay soo aruuriyeen ugudbiyeen wakiilka hey’adda xariirinta arimaha binia’aadannimo (UNOCHA), ee Gobalada Mudug iyo Galgaduud Maxamed C/rixmaan Dhabancad oo isaguna halkaas ka sheegay in sidag dag islamaanta uu gaarsiin doono Magaallada Nairobi, isaguna uu uxilsaaran yahay hey’adda UNOCHA Gobaldda Mudug iyo Galgaduud uuna aad ugufaraxsanyahay in uu la kulmo Gudiga Gurmadka Abaaraha Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Mas’uuliyiintii kulankaas ka qeybgashay waxaa ka mid ahaa .
C/kariin Xasan Naaleeye ( Wasiirka dirta iyo Daaqa Galmudug)
Nabadoon Xaaji Yuusuf (Qabax).
Cumar Suuri ( Gudoomiyaha Gurmadka abaaraha)
Axmed Maxamed Xasan (Baasto), K/xigeenka Gudiga Gurmadka abaaraha
Xildhibaan Caanood xaashi Afdhuub
C/llahi Xasan Geedi oo ah xubin ka tirsan G/Gurmadka Abaaraha
iyo Cali Baasho
C/risaaq yaasiin Maxamed
Hobyonet,
Gaalkacyo, Galmudug Sate.