Graphics&Arts by Cabdirisaaq Cadde
Diyaariye
: Cabdulqaadir Axmed Colaad
Cali shiddo Cabdi ayaa sheegay in Halgamaa C/laahi
Ciise uu ahaa Geesi aan ka libiqsan danta iyo xuriyad
gaarsiinta umadda Soomaaliyeed iyo sidii ay isaga
tuuri lahayd Heeryadii Gumeysa.
Sidoo kale waxaa xuska Halgamaa C/laahi Ciise
Khudbado kale duwan ka soo jeediyay Xubno isagu jira
Siyaasiyiin iyo aqoonyahano soomaaliyeed oo ka
waramay Taariikhda lama ilaabaanka ah ee halgamaa
C/laahi Ciise ku Lee yahay Umada Soomaaliyeed iyo
Caalamkaba.
Halgame C/laahi Ciise maxamuud waxa uu ku dhashay
Degmada Afgooye sanadkii 1922kii,Aabihii waxa uu
geeriyooday isagoo yar waxaana soo korisay Hooyadii
oo la oran jiray Mareero Diini.
Halgame C/laahi Ciise waxa uu Dugsiga Qur’aanka iyo
Wabaxashada Dugsiga Hoose iyo dhexe ku qaatay
magaalada Muqdisho.
Sanadkii 1938 waxa uu ka qalinjabiyay Dugsiga sare
ee taliyaaniga wuxuuna noqday maamule Xafiis.